Sheeko Gaaban – Hooyadii Isha la’ayd iyo Gabadheedii

Sheeko gaaban oo lagu cibro qaadan karo. waxa ay ka hadlaysa gabar maskiin ah iyo hooyadeed oo hal il beeshay balse dadku ay ku caayi jireen ayagoon ogeyn sababata

Sheeko gaaban – Bilowga sheekada

Waxaa jiray gabar yar iyo hooyadeed oo kuwada noolaa meel tuulo ah. hooyadu waxa ay ahayd mid hal il la’. badanaa dadku waa ay ku maadaysan jireen oo ku xaman jireen balse waxaa u qarsoonaa arimo aysan marna ka filaneyn.

hooyadu badanaa gabadheeda inta ay yareyd waxa ay u qaadan jirtay reeraha ay ushaqeyso xiliyada ay shaqada ku jirto oo kaligeed baa hooyo iyo aabo u ahayd oo mar walba kama aysan ag tagi jirin ilaa gabadhu ay ka soo korto oo ay soo gaarto heer wax barasho ama iskuul ay u kacdo.

Heerkii waxbarashada Gabadha

gabadhii waxa ay bilowday in ay aado iskuulkii tuulada. gabadhu waxa ay ku soo baxday gabadh dadaal badan oo ku dadaasha casharada laga soo siiyo iskuulka. maalin maalmaha ka mid ah, macalimad ka mid ah macalimiinta dugsiga, ayaa tiri waxaa la qaban doonaa tartan ardayda ah dhamaan ardayduna qof walba waa in uu soo wataa waalidkiisa.

Arday walba waxaa soo raacay waalidkiisa, balse gabadhii waxa ay u tagtay hooyadeed una sheegtay in laga doonayo in ay tagto iskuulka tartankana aykala qeyb qaadato gabadheeda si farxada ay la wadaagto. Balse hooyadeed waxa ay ka xishootay in isha ay la’ dahay lagu caayo oo gabadheeda lagu niyad xumeeyo, oo waa ay diiday in ay soo raacdo gabadheeda.

Fal-celintii ardayda

maalintii xigtay macallimadii ayaa ardayda weydiisay inta arday ee aan waalidkooda keenin oo waxa ay ka bilowday gabadh kale oo safka hore fadhisay, waxa ayna ku tiri

Maxaa dhacay shalay sow idin ma aan oran waa in aad waalidka keentaan?

gabadhii ayaa ku jawaabtay.

Macalin aniga waan keenayaa marar badanna waan keenay laakin waxaa jira dad aanba waalidkood la arag ee kuwaa maad weydiisid…

Macalimadii ayaa tiri ma runbaa warkaas? gabadh kale ayaa gadaal ka soo qeylisay oo tiri:

Haa gabadhaan hooyadeed lamaba arko maxay u qarisaa??

Gabadhii guriga ayay ku soo laabatay oo waxa ay bilowday in ay hooyadeed u carooto. marar badanna ay ku eedeyso in daraadeed ardayda oo dhan ay u liidaan. hooyadiina waxa ay isku dayaysay in ay gabadheeda qanciso balse waa ay awoodi weysay.

Ogaanshihii xaqiiqada ee gabadhii yareyd

Hooyadii waxa ay u baxday in ay soo shaqeyso balse subaxaan maba aysan aadin reerihii ay u shaqeyn jirtay oo waxaa ku dheeraade xaabo guristii. gabadhii waxa ay ka timid iskuulka iyadoo is cun cuneysa oo ku heysa maxa hooyadaan laguugu xantaa mar walba maxay dadka isaga qarineysaa?

balse marka ay guriga timid gebi ahaanba waxa ay waysay hooyadeed. waxay ayna bilowda guriga gees ka gees in ay ka raadiso. markii dambe ee ay ka weysayna waxa ay ka baadi goobtay reerihii ay ushaqeyn jirtay oo dhan cid walbana waxa ay ku dheheen

Mabaan arag saakay oo nooma aysan imaan!

gabadhii arintii fajac ayay ku noqotay oo waxa ay sii waday raadinta hooyadeed ilaa ay uga timid oday waayeel ahaa oo isagana ay u shaqeyn jirtay markaas ayey weydiisay:

adeer hooyadedy maad aragtay?

waxa uuna ku yiri maan arag saakaba. markaasay tiri awal ayey iga diidaneyd in iskuulka ay ii raacdo oo darteed baa la ii caayaa. markaas buu odaygii ku yiti sidaa ma ahane kaalay aan kuu sheegee

Markii aad yareyd adiga ayey il wax kaa soo gaareen hooyadaana si mustaqbal kaaga ay u dhisto ayey isheedii ku hibeysay oo ay kuu siisay maantana waxa ay hooyadaa dadka uga dhuumaneyso waa adi daraadaa

gabadhii waa ay calool xumaatay oo ka qoomameysay intii jeer ee ay hooyadeed sida xun ula hadashay. waxa ay sii waday baadi goobkii hooyadeed ayadoo ka doontay meelihi ay xaabada ka dooni jirtay waxa ayna ku aragtay hooyadeed oo taala geed hoostiisa si walboo ay u kicisana waa ay soo kici wayday.

waxa ayna usoo carartay dhankii odaygii si uu u caawiyo. odeygii marka uu arkay in hooyadu caawimaad rabto waxa uu u yeeray ambalaas si hooyada loogu qaado dhaqtarka.

Bogsashadii hooyada

gabadha aad ayey u naxsaneyd inta ay dhakhtarka ku sugnaayeen odeygiina waa u sasabayey oo uu ku lahaa hoyo ha u walwalin wey caafimaadeysaa. cabaar kedib waxaa soo baxay dhaqtarkii ayaa soo baxay oo waxa ay weydiiyeen xaalka hooyada waxa uuna ku jawaabay.

Hadda waa ay caafimaad qabtaa oo jirkeeda ayaa biyaha ku yaraaday taas ayaana sababtay in ay dhacdo.

hooyadii guriga ayaa lagu soo celiyey oo waxa ay bilowday in si tartiib tartiib ah usoo bogsato gabadhiina waxa ay bilowday in ay caawiso hooyadeed ayna ka raali geliso wixii hore oo dhan.

Gabagabada sheekada

Gabadhii waxa ay dib ugu soo laabatay dugsiga oo mar kale la qabanayey tartan u dhexeeya ardayda. macalinkiina waxa uu dhahay qof walba waa in uu waalidkii keenaa maalinta beri ah caruurtiina waxa ay bilaabeen in sidii hore ay ugu maadeystaan.

Balse gabadhiina waxa ay bilowday in ay hooyadeed difaacdo una sheegto macalinka wixii xaqiiqo ahaa. kedibna macalinkii ardayda ayuu canaantay kuna qeyliyey.

Maalinkii tartankana waxaa kaalinta koowaad galay gabadhii oo waxaa lagu casuumay masraxa si fiicanna loogu soo dhaweeyey sida ay gabadheeda ugu dedaashay.

Duluucda sheekada

Haku xumeyn waalidkaa xaalad walba oo ku jiraan laga yaabee dartaa in ay u muteysteenee. noqona mid baari u ah xaalad walba.

Hadii aad daneyneyso sheeko gaaban sida sheekooyinkaan oo kale oo aad ku barbaariso caruurtaada booqo bogeena

Hadii aad rabto koorsooyinka aan bixino booqo website keena futuux

Abdirahman Mohamud
Abdirahman Mohamud
Articles: 13

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Whether you’re a beginner or looking to sharpen your skills, our platform is designed to support your journey in tech.

contact Us

Location

Mogadishu - Somalia

Email

info@futuux.com

Contact

252 617 892189

eFutuux, All rights reserved.